Taliye Shaqada Laga Joojiyay Iyo Ciidamo Loo Xiray Qaraxii Elite

36

Ilo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Booliiska Degmada Cabdicasiis, Axmed Baashane ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib weerarkii iyo Qaraxii lagu qaaday Hoteelka Elite ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale Amray in la xiro dhammaan ciidamadii joogey baraha Kontoroolada ee laga galo Xeebta liido.

Ciidankaan ayaa lagu eedeeyay in goobta ay ku sugnaayeen uu maray gaarigii ku qarxay hoteelkii Elite ee Muqdisho.

Waxaa xukuumadda xilka sii heysaa ay bilowday baaritaano deg deg ah oo ku aadan Qaraxa, waxaana kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku amray baaritaano rasmi ah oo ku aadan sidda ay wax u dhaceen.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacantay ka dib markii Qarax iyo weerar toos lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.