Taliyeyaal loo xiray dilkii Guddoomiyihii Hodan

77

Taliyeyaal Saldhig Boolis iyo askar ayaa loo xiray dhacdadii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin, kaddib markii gaari uu Guddoomiyaha saarnaa ay rasaas ku fureen Ciidamo Boolis soomaliya ka tirsanaa o ku sugnaa agagaarka Jid Mareexaanka.

Dhacdadan ayaa aheyd mid lama filaan ah, kaddib markii gaariga uu la socday Guddoomiyaha oo Ilaalo la socdeen ay rasaas huwiyeen Ciidamada ku sugnaa barta Koontarool.

Baaritaano kala duwan ayaa lagu wadaa Masuuliyiinta Booliska soomalya ka tirsan iyo ciidmada si loo ogaado sababta ya dhacdadani ku bilaabatya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inuu ka warbixiyo dhacdadan xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada Howlwadaag ee lagu khaarijiyay Guddoomiyihii degmada Hodan.

Allaha u naxariistee Guddoomiye C/xakiin Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay safar caafimaad uu ku tagay dalka Turkiga, kaddib markii uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay bishii November ee sanadkii hore.