Taliyihii Ciidanka NISA ee Magaalada Dhuusamareeb oo Qarax lagu dilay

77

Gaadiid uu la socday Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay meel u dhow Deegaanka Ceeldheere oo 30KM ujira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ilo degaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay askar kale oo taliyaha la socotay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb weli kama hadlin qaraxa, waxaana maalmihii la soo dhaafay degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb waxaa kajiray dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.