Taliyihii Degmada xamarweeyne oo xilka laga qaaday

35

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowladda Federaalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray Taliye Xijaar ayuu xilka uga qaaday Taliye Cabdirisaaq Gaas, waxaana xilka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne u magacaabay Sharmaake Xasan Maxamuud.