Tirinta codadka doorashooyinka soomaaliland oo weli socota

15

Guddiga doorashada Somaliland ayaa weli ku howlan tirinta codadka doorashooyinka golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo shalay ka bilowday deegaanadaas, lana soo gaba-gabeeyay.

In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee Gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, sidoo kalena 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

Doorashada Somaliland ayaa waxaa ku baxaya Qarash dhan ah 25 malyan oo dollar, waxaana Somaliland ay bixineysaa boqolkiiba 80, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay, waxaana dadka Coddeeyay kamid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ku tartamaya doorashada Somaliland ee Wadani, UCID iyo kulmiye oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.