Trump oo ku goodiyay inuu soo laaban doono

62

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu si uun u soo laaban doono ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad oo muddo afar sano ah uu joogay isaga oo madaxweyne ah .

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa markii uu isku diyaarinayay inuu u duulo Florida inay u ahayd “sharaf weyn inuu madaxweyne u noqdo.

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee diida inuu xilka wareejiyo tan iyo 1869-kii laakiin wuxuu yiri: “Waxaan u rajeynayaa maamulka cusub nasiib wacan iyo guul weyn”.

Mr Trump wuxuu intaas ku daray: “Nabad gelyo, waan idin jeclahay. Qaab uun ayaan ku soo noqon doonnaa. Nolol wanaagsan gaara, dhawaan ayaan is arki doonnaa.”

Mr Trump wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgalin caleemo-saarka madaxweynaha cusub.Hadda waxaa u bilaabaneysa nolasha madaxweynimada kadib.