Trump oo markii ugu Horeysay ka hadlay Guusha Joe Biden.

43

Telefeshinka CNN ayaa caawa ku dhawaaqay in Joe Biden uu yahay madaxweynaha la doortay ee 46-aad ee Mareykanka. Waxa uu TV-gu sheegay in ay go’aankan ku saleeyeen ka dib markii uu ku guuleystay gobolka Pennsylvania.

Waa markii saddexaad ee uu Joe Biden u tartamo jagada madaxtinimada Mareykanka.

Waxaa kale oo taariikh ah in ku xigeenkiisa loo doortay Senator Kamala Harris oo noqoneysa gabadhii u horreysay ee jagadaas ka qabata Mareykanka.

Dhinaca kale warbixin uu soo saaray Donald Trump oo la tilmaamay in uu ciyaaraha golf ku dheelayo xaruntiisa gobolka Virginia, xilligii uu soo baxay warka ah in Biden uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Trump ayaa yiri “Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo in uu si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan in ay si adag u caawiyaan: ma doonayaan in runta la soo bandhigo,”

Sidoo kale Trump ayaa qoraalkiisa ku sii yiri “Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan dhamaasho u dhoweyn,”

Trump ayaa ula jeedaa in tirinta codadka aysan weli dhammaanin, aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka ay warbaahinta shaacinayaan.

Caawa ayaa warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa sheegay qofka guuleysta marka ay soo baxdo in codadka ugu badan ee ergada uu helay mid ka mid ah musharrixiinta kaas oo dhaafay 270.