Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejiyey DF Soomaaliya

26

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya wasaarada Difaaca Soomaaliya ku wareejisay 12 gawaari ah kuwaas oo qeyb ka ah heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo laba geesood ah, sida ay sheegay Wasaaradda Difaaca Turkey.

Bayaan ay soo saartay wasaarada Difaaca Turkey, ayay ku sheegtay in gawaaridan, loogu tala galay in lagu isticmaalo dhul aad u adag, looguna tala galay guutada 3-aad ee ciidamada Gorgor ee dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Gaadiidkaan waxaa loo gacan galiyay taliyaha ciidanka difaaca Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 22ka Agoosto 2020 sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Dowladda Turkey.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah Labada dal oo xiriir wanaagsan leh, kuna howlan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan ah sida amaanka, siyaasada iyo qodobo kale.