Turkiga oo Somalia ka taageerayo dhanka deynta.

27

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageereyso sidii ay isaga bixin laheyd Lacagaha Daymaha ah ee lagu leeyahay.

Madaxaweynaha Dalka Turkiga ayaa saxiixay warqad Soomaaliya looga bixinayo lacag dhan $2.72Malyan oo Dollar.

Madaxweyne Ordugan ayaa mas’uuliyiinta dalkiisa waxaa uu amray in ay Lacagta sida ugu dhqsiyaha badan ugu  shubaan Ha’adda lacagta adduunka, taasi oo Soomaaliya ku leh lacag aad u farabadan oo dayn ah.


Dalka Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa uu ka Caawiyaa dhinacyo dhowr ah, Sida tababarada Arrimaha Bulshada iyo dhanka siyaasada.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahy Lacago daymo ah, taasi oo ay waddamo badani ku leeyihiin, inkastoo Xukuumaddii xasan Cali Khyre ay ku guulaysatay in Soomaaliya laga cafiyo lacago badan haddana waxaa jira Daymo kale oo wali Soomaaliya lagu leeyahay.

Lacagtaan Turkiga ugu deeqay Soomaaliya ayaa waxaa ay qeyb ka noqon doontaa sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa deynta lagu leyahay.