Turkiga Oo Somalia Ugu Deeqay Mashiinada Neefsahada, Xili Dad U Dhinteen Oksijiin La’aan

101

Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa waxaa 10 Marwaxadaha ama Qalabka Neefsashadda ugu deeqday Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Safaaradda Turkishka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mashiinadaasi loo adeegsan doono Qeybaha Daryeelka Khaaska (ICU), iyo inay kaalin ka qaataan La-dagaaanka Cuddurka COVID 19.

Madaxa Isbitaalka Martiini, C/risaaq Yuusuf Axmed waxa uu Dowladda Turkiga uga mahad celiyey Taageeradda ay ka geysanayaan La-dagaaanka COVID 19.