Sawirro: UK oo gaadiid fara badan ku wareejisay Soomaaliya

24

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaal ka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa adeegsadan doono ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ay kula wareegeen gaadiidkan ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda Ingiriiska.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Dhowaan ayey aheyd markii gaadiid gaashaaman ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya.