Urur Iskaashi Oo Taageero Cusub U Balan Qaaday Dalal Ay Ku Jirto Somalia

26

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthmayni waxa uu shaaca ka qaaday inay Taageero Maaliyadeed oo Cusub siin dooonaan dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Bayaan ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka OIC ee ku yaalla Magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Kaalmada la siinayo Afartaasi Waddan loo adeegsan doono Mashaariicda kala ah:  Arrimaha Bulshada, Maalgashiga, Dhaqanka, Xaalladaha Degdega, Jaamacadaha, Isbitaallada iyo Dugsiyada.