Ururada Bulshada Rayidka Oo War Kasoo Saaray Dagaaladii Ka Dhacay Guriceel

14

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray dagaaladii khasaaraha badan dhaliyey ee Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug, iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ururada Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin dagaaladii dhacay oo ay sheegeen in wax ka badan ka digayeen khilaafka ka jira deegaanada Galmudug inuu isku bedelo gacan ka hadal, taasi oo dhacday.

Ururada Bulshada ayaa Maamulka Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, si looga baaqsado dhibaatooyin hor leh oo ku dhaca dadka shacabka ah, iyagoona xadgudub ku tilmaamay in shacabka lagu kor dagaalamo.

Sidoo kale Ururada Bulshada ayaa waxaa ay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday dagaaladii xooganaa ee shalay ilaa iyo xalay ka dhacayay Guriceel, una dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Ugu dambeyn Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada ugu baaqay inay u istaagan sidii qof dambe ugu dhiman khilaafka siyaasadeed eek a jira deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

In ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan oo uu kamid yahay Taliyihii Ciidanka DANAB ee Maamulka Galmudug Cabdiladiif Feyfle iyo Saraakiil kale ayaa ku geeriyooday dagaaladii Guriceel, halka afartameeyo qof kalena ay ku dhaawacmeen….

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Ururada Bulshada.