Ururka Jaamacada Carabta oo ka hadlay Doorashada Somaliya

32

War kasoo abxay Ururka  ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay tixgelineyso dadaalada ay sameynayaan Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya & dowlad goboleedyada  si loo helo xal kama dambeysa ah oo ku aaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka.

“Jaamacadda Carabta waxaa ay amaaneysaa shirarka loogu gogol xaaray qabashada doorashada oo kii ugu dambeeyay uu ahaa midkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta qeybaha siyaasadda ee Soomaliya inay dib u bilaabaan wada-hadalalda ku aadan sidii loo gaari lahaa doorash loo dhan yahay oo ka dhacda Guud ahaan dalka Soomaliya.

Ugu dambeyn Ururka Jaamacada Carabta ayaa soo dhaweeyay shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo, isla markaana ay taageerayaan sidii ay u gaari lahaayeen xal waara oo isku heynaya Midnimada Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay Ururka Jaamacada Carabta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an xal laga gaarin arrimaah doorashooyinka Soomaaliya,