Wasaarada Waxbarashada XFS oo shaacisay waqtiga uu Bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee dugsiyada Sare

847

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay maanta ku shaacisay in 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir .

Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir .

Sidoo kale Wasraadaddu waxaa ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad .

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii bisha sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka .

Ugu dambeynti qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa arday lagu yiri waxaan idin rajeyneynaa guul iyo hormar dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

HALKAAN KA AKHRISO