Waa kumaa Gudoomiyaha Cusub Ahna Maareeyaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya ?

82

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Kulankoodii Todobaadlaha ahaa ee Maanta ku Magacaabay Maareeyaha Hey’adda Batroolka Soomaaliya.

Golaha ayaa Xilkaasi u Magacaabay Ibraahim Cali Xuseen oo lataliye Sare ka ahaa Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya Mudo Lix Sano ah.

Ibrahim Cali Xuseen oo loo magacaabay maanta Gudoomiyaha islamarkaana ah Maareeyaha Hay’ada Batroolka Soomaliya. Hay’ada Batroolka Soomaliya waa markii ugu horeysay abid oo noocada oo kale wadanka laga asaaso.

Tani waxay muujineysaa in wadanku bilaabay qorsho uu kheyraadka batroolka iyo gaaska Allah ku maneystay uu la soo baxo kana faa’diysto.

Hadaba waa kuma Ibrahim Cali Xuseen:

Gudoomiyaha iyo Maareeyaha Guud ee Hay’ada Batroolka Soomaliyeed, Mudane Ibraahim Cali Xuseen waxa uu hormuud ka ahaa howlihii balaarnaa ee Isbadalka dhaqaalaha Dalka gaar ahaan Sahminta Shidaalka Soomaaliya Balaarinta Howlaha Shidaalka Dalka Xiriirka Shirkadaha Daneynaya Qeyraadka Shidaalka iyo Sameynta Sharciga Batroolka Dalka Soomaaliya ayuu kamid ahaa Shaqsiyaadka Si Aad ka ah uga Qeyb qaatay Maanta Ayaa Ayayna Golaha Wasiirada u Magcaabeen Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya.

Ibraahim Cali Xuseen waxaa uu Waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay Gudaha dalka, halka waxbarashadiisa sare uu ku soo qaatay dalka Ingriiska.

waxaa uu ka soo qalin-jibiyay jaamacadaba Birbeck, London University iyo London South Bank University.

Ibrahim Wax uu Ku takhasusay cilmiga hormarka dhaqaalaha (Economic Development). Wuxuu tababar la xiriira maareynta iyo horumarinta batrookka ku soo qaatay Colomia University.

Ibraahim Cali Xuseen wax uu kamid ahaa Musharaxiintii Xilka Madaxweynaha u Tartamaya Doorashadii Sanadkii 2012ka.

Ibrahim, wuxuu la taliye sare ka ahaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta muddo ku dhaw 6 sano isagoo hormuud ka ahaa hawlaha lagu hormarinayo batroolka oo ay ka mid yihiin:

  • Kobcinta awoodda waxqabad ee Wasaaradda
  • Dibu-eegista Sharciga Batroolka Soomaliya
  • Sameynta qaabka wax-wada qeybsi ee shirkadaha batrooka iyo dawladda Somaliya
  • Heshiiska kheyraad wadaagga ah ee u dhexeeyay Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka
  • Baarsita iyo xog ururinta shidaal ee lagu sameeyay badda Soomaliya
  • Sare u qaadista muhimadda kheyraadka shidaalka uu dalka u leeyahay taas oo keentay in shirkadaha iyo dalalka daneynaya shidaalka Soomaliya ay aad u bataan.