Waa Kuma:Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle

41

Madaxweynaha Cusub ee goordhaw oo maanta ah ay doorteen Xildhibaanadda barlamanka Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxa uu Dhashay sanadkii 1974-tii.

Cali Guudlaawe  ayaa Waxa uu Ku dhashay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhanka Waxbarashada dugsiyada hoose dheexe iyo sare waxa uu kusoo qaatay Magaalada Jowhar ee Caasimada shabeeladda dhexe .

Sidoo kale Cali Guudlaawe  Wuxuu waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Somali International University.

Marka laga hadlaayo dhanka xilalkii uu soo qabtay

Madaxweynaha Cusub  Hirshabelle Waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006-dii.

Waxaa kale  uu soo noqday Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009-kii.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014 2016-kii.

Bishii October sanadkii 2016-kii ayaa loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Maanta oo 11 bisha November waxa loo doortay Madaxweyanaha Dowlad goboledak Hirshabelle .