Waan-Waan Laga Dhex Waday Rooble Iyo Musharaxiinta Oo Guuldareystay

71

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helay ayaa waxaa ay sheegayaan inay guuldareysteen dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

Xubno ay kamid yihiin Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, Senatar Cabdi qeybdiid, Xildhibaano iyo Odayaal ayaa saacadihii lasoo dhaafay doonayay inay kulan siiyaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta, hayeeshee ay suurgal noqon weyday.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaxiinta Madaxweynaha ay shuruud ku xireen la kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble, taasi ah in marka hore Xukuumadda Cudur-daar iyo raalli-gelin buuxda ka bixiso rabshadihii 19-Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho.