Wabiga Shabelle Oo Fatahaado Ka Sameeyay Beledweyne

18

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu wabiga Shabeelle uu fayahaad ka geystay xaafado ka tirsan Magaaladaas.

Meelaha uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah laanta Dhagax jibis oo ka mid ah lamaaha Xaafada Xaawo-Taako, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in tiradii ugu badnayd ee qoysaski Daganaa ay saaka isaga barakaceen, iyaga oo ka cabsi qaba in uu saameeyo fatahaada.

Qoysaaska ka barakacay guryahoda ayaa Warbahinta u sheegay in biyaha ugu badan oo ay ka barakacayaan ay tahay biyo ka yimid dhanka iyo kiliga dhagax jibis waxana kiliga u ka mid yahay goobaha aAnan lagu sameen biyo xireenka.