Wafdi Heer Caalami ah oo Gaaray Dhusamareeb

32

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi heer Caalami ah  oo ka socda Beesha Caalamka.

Wafdiga markey Gaareen Galmudug ayaa Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid ku soo  dhaweyay garoonka  diyuuradaha .

 Wafdigaan ayaa waxa  hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU ,Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkooda u daran yahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada

Dhinaca kale  safarkooda qayb ka ah  in Caasimada Galmudug ee  Dhusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan QM  taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay Qaramada Midoobey  ka wadan guud ahan Galmudug.

 Qaramada Midoobey ayaa waxa ay taageeran  Maamul Goboledyadda Dalka Iyo dowlada Dhexe ee federalka Soomaaliya