Wafdi Heer wasiir ah Ka Socday Kenya oo Soo Gaaray Muqdisho Lana Kulmay Mas’uuliyiin dowlada.

35

Wafdi ka socday Dowladda Kenya ayaa waxaa  hoggaaminayay Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas,  waxana Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda Soomaaliya .

Wafdigaanayaa waxa loo galbiyay xaruunta Wasaradda arrimaha dibadda  waxana Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Kenya Danjire Macharia Kamau, iyo wafdiga wehlinayay.

Xoghaye Maxamed Cali Nuur ayaa Kenya kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha loo horumarin karo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo muddooyinkii u dambeeyay xiriirkooda mugdi galay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo socdaalkooda ahaa mid hal maalin ahaa ayaa isla shalay dib ugu laabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Socdaalka wafdigaan ayaa waxa la sheegay in ujeedka ay u yimaadeen muqdisho In ay tahay arrimaha ganacsiga  iyo sidii dib loo soo celin laha xiriirkii diblomasiyaadeed ee mudadan dambe aad u xumaa.