Wednesday, July 28, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmo ka tirsan Bakool

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Degmo ka tirsan Bakool

21

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Waajid ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli doonaa Munaasabad lagu caleem-saarayo Guddoomiyaha cusub iyo Golaha deegaanka ee degmadaas oo dhawaan la dhisay.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiira Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka mid yihiin Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray Waajid.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana wafdigaan ay horudhac u yihiin safarka Madaxweyne lafta-gareen.

Ammaanka ee guud ee Waajid ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta degmadaas la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed iyo Ciidanka dowldda ee halkaas jooga.