Wafdi isugu jira wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta gaarey degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

54

Wafdi isugu jira wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta gaarey degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Wafdiga oo ay hoggaaminayeen wasiiru Dowlaha Arrimaha gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Aadan Cabdinaasir iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, waxaa qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sheekh Claahi,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno kale.

Ujeedada Socdaalkooda ayaa ah in degmada Waajid loo sameeyo Golaha Deegaanka taas oo wadahadalada ku aadan bulshada laga dhax bilaabayo .

Wafdigan waxaa si aad ah usoo dhaweeyey guddoomiyaha degmada Waajid, ku xigeenadiisa iyo bulshada magaalada.