Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

70

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Aaxd ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Socdaalka James Swan ayaa waxaa ku wehlin doona xubno kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona saacadaha soo socda ka amababixi doona sida uu qorshahu yahay Magaalada Muqdisho.

Ujeedka safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula yeelan lahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli xaaladda siyaasadeed ee dalka