Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo La Kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntand

49

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo  Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.

Dhinaca kale Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa dhankiisa ugu baaqay Madaxda Soomaalida inay wadaan dadaalkooda ku aadan sidii ay u dhici laheyd doorasho la isku raacsan yahay.

Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya  Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.

Kulanka Madaxweynuhu la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah  Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid.