Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Baladweyne

148

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar.

Ujeedka wafdigan ay u tageen Baladweyne ayaa waxaa tahay sidii ay qeymin ugu sameeyn lahaayeen waxa sababay diyaaradii xamuulka aheyd ee duhurnimadii shalay ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Masamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka AMSIOM ee halkaas ku sugan.

Dhinaca kale Ciidamada Jabuuti ee qeybta ah AMISOM ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xubno la socday waxaa ay u diideen inay galaan Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, iyagoona doonayay inay soo dhaweeyan wafdiga Wasiir Oomar.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan iyo xubnihii lasoo socday ay dib uga laabteen Garoonka, isla markaana ku noqday Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Baladweyne oo markii horey ay kasoo baxeen.

Weli lama oga sababta keentay in Guddoomiyaha Gobolka laga celiyo Garoonka Ugaas Khaliil, waxaana Garoonka shalay ku burburtay diyaarad raashin u siday Ciidabnka AMI