Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo shir uga qeyb galay Qaahira

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo shir uga qeyb galay Qaahira

26

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ka gashay Shirka Wasiirada Haweenka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Shirkaan oo ka qabsoomay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa waxaa looga hadlay ilaalinta iyo horumarinta awoodsiinta haweenka, iyadoona shirka ay ka qeyb galeen Wasiirada Haweenka OIC.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay la dagaalanka Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameyn xoogan ku yeeshay Caalamka, waxaana khudbad ka jeedisay madasha Wasiirad Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Xukuumadda Federaalka ayaa ka hadashay xuquuqda Haweenka ay leeyihiin iyo sida ay muhiimka u tahay ilaalinta iyo horumarinta awoodsiinta haweenka.

Shirkaan ay ka qeyb gashay Wasiir Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa waxaa uu ahaa Shirkii 8-aad ee wasiirada Haweenka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo ka dhacay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.