Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Baydhaba.

31

 

wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa  Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si weyn loogu soo dhoweeyay

Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Qeybaha bulshada,ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynteedaa  waa  safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.

 

U jeedka socdaalka wefdiga wasiirka ay hogaaminayso ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee golliyaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wefdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.