Wafdi ka socda KGS oo Galabta Gaaray Garoowe.

17

Wafdi uu hogaaminaayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Maxamed Mursal ( Fanax) oo isugu jira agasimayaal guud, agaasime waaxeedyo iyo lataliyaal ayaa galabta gaarey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Agaasimeyaasha iyo xubnaha farsamo ee ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa socdaalkoodu waxaa uu la xiriiraa iskaashiga hay’addaha shaqo wadaaga ah ee Koonfur Galbeed iyo Puntland iyo kala faa’ideysiga xirfadaha iyo habka shaqo ee Hay’addaha Dowladda.

Mudada ay puntland jogaan wafdigaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonan mas’uuliyiin ka socda Maamulkaasi.