Wafdi ka socda KGS oo lagu Soo dhaweeyay Dalka Turkiga+SAWIRRO

29

Wararka aan ka heleyno  wadanka Turkiga ayaa Sheegaya in  Munaasabad ballaaran  oo lagu soo dhoweynayay Wasiirka Gaadiidka Dowlad  Goboleedka koonfur Galbeed, Soomaaliyeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) xalay lagu qabtay Magalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Munaasabadaan ayaa waxa ka qeyb galay  Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga mudane, sheikh Mohammed , Wasiirkii hore ee Wasaradda Warfaafinta KG , Guddoomiyaha Somali voice organization Eng  Hashim Abdullahi Abdi, Guddoomiyaha shirkaddda Somturki Cargo  ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda koonfur Galbeed ee dalk Turkiga mudane Mohamed Abdullahi,  Dr Ahmed Sheikh Abdullahi Maadka oo ah Guddoomiyaha gudiga Dorashada ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Istanbul,  Masuul sare mudane Hasan Turki, Ardayda ,Haweenka, dhaliyarada iyo masuliyiin .

Masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee goobta ka hadlay ayaa waxay  Wasiir Xasan Eelaay ku amaaneen howsha wanaagsan ee uu u hayo shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sida hufan ee uu gudanayo waajibaadka saran.

Ugu dambeyntii wasiir Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta iyo shacabka soo abaabulay munaasabdda lagu soo dhoweynayay, wuxuna shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan degaanadda Koonfur Galbeed ee Soomaliya.

sidoo kale Wasiirk Eelay ayaa ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono horumarinta dhalliyaraddda kasoo jeedda degaannada koonfur Galbeed Soomaliya iyo sidoo kale dardar gelinta kor uqaadista aqoonta bulshada , wacyigilinta iyo caawinta dadka danyarta ah ee Soomaliyeed.

Munaasabadaan ayaa waxaa ay ku soo idlaatay jawi degan wasiirka ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay Munaasabadaani .