Wafdi Ka Socda Koonfur Galbeed Oo Gaaray Garoowe Iyo Ujeedka Safarkooda

84

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland  waxa  ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay gaarayn  wafdi ka socday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulkaas.

wafdiga oo isugu jiray Xildhibaano iyo xubno kale waxa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada  Garoowe  kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowlad Goboledka  Puntland Mudane  Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan puntland .

Ujeedka safarka wafdigaan uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Koonfur Galbeed Mudane  Maxamed Nuur Macalin  ee  ku gaareyn Garoowe ayaa ah  sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Maxamed Nuur Macalin ayaa inta uu ku sugan yahay Caasimadda Puntland ayaa waxaa kulan la qaadan doonaa Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas iyo Xildhibaano, iyagoo ka wada hadlay Arrimo ku aadan labada Baarlamaanka iyo wada shaqeynta labada Maamul sidii loo sii Xoojin lahaa.

Berito oo axad ah  ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ay ka dhacdo Munaasabad lagu daah-furayo kal-fadhiga 47aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, isla markaana waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin kala duwan oo kala socoto Maamul goboledyadda iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya .