Wafdi Ka Socda Mareykanka Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

37

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoona soo dhaweyn loo sameeyay.

Wafdigaan oo ku yimid sida la sheegay laba diyaaradood ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah uu la qaato wafdiga ka socda Mareykanka iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.