Wafdi ka Socda Puntland oo ka qeyb galaya Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada KGS

31

Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo xildhibaannadda Golaha Wakiillada maamul Goboleedka Puntland  oo ku sugan  Baydhabo ayaa ka qeyb-galaya Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Koonfur-Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladd Goboleedka Puntland Cabdi Casiis Cabdulaaahi Cusmaan ayaa lagu wadaa in maanta uu khudbad  ka jeediyo Munaasabad lagu Daah furayo Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,oo Beydhabo  ka furmaya.

dhinaca kale Wafdigaan ka socda dowlad  Goboleedka Puntland  ayaa waxa ay xalay kulamo la qaateen Madaxda  Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,

Kulankan aya waxaa looga hadlay xirirka wada shaqeyn ee labadda Maamul iyo sidi ay wada shaqeyn u dhex mari laheyd labadda Barlamaan ee Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Shalay ayey aheyd  markii Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladd Goboleedka Puntland Cabdi Casiis Cabdulaaahi Cusmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha  Wakiilada ay safar ku tagayn  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur-Galbeed.