Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Wafdi ka socday Dowladda oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ka socday Dowladda oo gaaray Magaalada Baydhabo

41

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu horkacayay ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Wasiirka Gaashaandhigga uu yahay sidii uu ula kalmi lahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad iyo Mas’uuliyiin kala oo ka tirsan Maamulka, iyagoona ka wada hadli doona howlgalada Ciidamada.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa kormeer ku tegi doona xero ay ku sugan yihiin Ciidanka 60-aad, isla markaana Saraakiisha Ciidanka iyo kuwa Koonfur Galbeed kala hadli doona sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhan aha Al-shabaab.

Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow iyo Saraakiil kale.