Wafdi oo Hogaaminaayo Sheekh Shariif Oo Mar Kale Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar

39

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay Maanta ka degay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle,

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa  siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose iyo Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Hirshabelle .

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa qeyb ka ah Odayaal iyo waxgarad ka soo  jeeda Gobolka Hiiraan &  Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Ujeedka safarka uu Magaalada Jowhar ku tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Safarkaan uu Maanta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed  ku tagay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta halkaasi ka bilaabatay  doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen