Wafdi saaka gaaray Magaalada Baladweyne iyo ujeedka safarkooda

38

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta dowlad Goboleedka Hirhshabeelle Cabdikariin Cali Nuur.

Ujeedka Wasiirka iyo wafdiga la socday oo ay kamid ahaayeen xubno ka tirsan hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirarka dib u heshiisiinta loogu sameeynayo beelo ku dagaalamay duleedka Baladweyne.

Wasiir Cabdikariin Cali ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostega Baladweyne, kuwaasi oo heshiis hordhac gaaray, isla markaana uu haatan u furan yahay shir dib u heshiisiineed.

Sidoo kale Wasiirka dib u heshiisiinta iyo dib u dejinta Hirhshabeelle iyo wafdiga la socda ayaa u sii gudbi doona degmada Matabaan ee Gobolka Hiiran oo uu ka socdo Shirka dib u heshiisiinta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay halkaas.

Shirarka dib u heshiisiinta loogu sameeynayo beelaha ku dagaalamay deegaano hoostega Baladweyne iyo Matabaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Hirshabeelle iyo Waxgarad, waxaana dagaaladii dhacay ay salka ku haayeen muran dhuleed iyo aano qabiil.