Wafdi uu hogaaminayey Wasiir Najah oo maanta Booqday Garoonka  Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo

81

Wafdigaan oo uu horkacayey Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha dowlada Koonfur Galbeed mudane ibrahim Adan Ali Najah iyo agaaasimaha guud ee madaxtooyada KGS Cabdulaahi cali maxamed watiin iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqday Garoonka Dr Ayuub ee Magaalada Baydhabo.

Wafdigaan ayaa waxa ay indha-indheyn u tageen garoonka weeyn ee Dr ayuub kaasi oo dhawaan dib u dhis lagu bilaabay

Wasiirka dhalinyarada & Ciyaraha Koonfur galbeed Soomaliya mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa sheegay in dhalinyaradda ree KGS uu garoonkaan wax badan u tari doono asagoona shaaca ka qaaday in wasaaradiisa ay u taagantahay soo nooleynta sports-ka

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo wadaan garoomo kale oo laga dhisi doono dhamaan degmooyinka Koofur Galbeed Soomaliya

Garoonka Dr Ayuub oo ah garoonka ugu weeyn ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada lagu bilaabay dhismo casri ah ayadoo la filayo in afarta bilood ee soo aadan la soo gaba-gabeeyo dhismihiisa

SAWIRADA Wasiirka