Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

60

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jabuuti.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti uu yahay mid mar kale Urur Goboleedka IGAD ay ku bilaabeyso dadaalo iyo tallaabada xigta ee la doonayo in dib lagu soo celiyo xiriirkii go’ay Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulan la qaadan doona Madaxweye Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo qodobo kale oo qorsheysan.