Sawirro: Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye Najah oo gaaray Marka

77

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Najah ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Senator Xuseen Cali Xaaji, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Najah iyo xubnaha la socda ayaa waxa ay kormeeri doonaan mashaariicda maamulka Gobolka uu ka hirgeliyay magaaldaasi.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Marka.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ugu horreeyo Madaale Najah ayaa horay mashaariic horumarineed oo si weyn loo boggaadiyey ka hir-geliyey magaallo xeebeedka Marka.