Wafdi Wasiiro ah oo Kormeeray Idaacada KGS ee Bardaale

32

Wafdi Wasiiro oo Socdaal Indha Indheyn Ah Ku Soo Maray Dhismaha Idaacada Cusub Ee Raadiyoow Koonfur Galbeed ayaa Markii Ugu Horeysay Laga Hirgeliyay Degmada Berdaale.

Wafdiga waxay isugu jireen Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Berdaale.

Wafdiga ayaa markay gaareen xarunta dhismaha Idaacada cusub KGS warbixin siiyay Injineerka ku howlan dhismaha Idaacada Berdaale.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa socdaal dheer ku maray qeybaha kala gedisan ee Degmada Berdaale ee Gobolka Baay sida Saldhiga Booliska iyo Suuqa weyn ee Degmada Berdaale.

wa