Wafdi Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo gaaray Dhuusamareeb.

31

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug .

Wafdigaan Xildhibaannada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Galmudug, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug,  Maamulka Magaalada Dhuusamareeb & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaannada labada Aqal ka tirsan ee Maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas ( Dhageey)  Xildhibaan Xuseen Iidow, Sanoter Cabdi Qeybdiid, iyo xubno kale.

Ujeedka Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  ay ku gaareen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi ka bilaabayaan  olole ay ku doonayaan dib usoo laabasho afarta sano ee soo socota ah.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa deegaanada Maamulka Galmudug gaarayay Masuuliyiin ka tirsan labadda Gole ee dowlada Federal