Wakiilo Ka Socday Beesha Caalamka Oo Dalab U Gudbiyay Madaxweyne Deni

49

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.