War Farxad leh :Dhismaha wadada isku Xerto Muqdisho& Afgooye oo Muddo 60 Cisho ku dhamaaneyso

31

Tan iyo markii uu bilowday dhismaha wadada xariirisa Muqdisho Iyo Afgooye waxaa si Habsim ah uga socday dhismaheeda.

Wadadaan oo dhererkeedu uu gaaryo 30 Km ayaa waxa uu hadda maraya Meel Gabogabo ah .

Mashruuca dhismaha Wadada Afgooye iyo Muqdisho oo ay dhiseyso Shirkad Turkish ah, ayna maalgelineyso Dowlada Qatar ayaa heer gabogabo maraya,

laamiga Cusub ee Wadadaan ayaa la saaray  ayaa waxaa uu  sahli doontaa isu socodka Muqdisho iyo Afgooye, iyo Ganacsiga labadda Gobol.

Dhismaha wadadaan ayaa waxa kaalin weyn ka qaatay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelladda Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali Najah oo marwalbaa u taagan taaba gelinta mashaaricda lagu Horumarinaayo gobolka .

shirkadda dhiseysa  wadaan  ayaa laga soo xigtay in mashruuca wadadan uu ku dhammaan doono muddo 60 maalmood gudahood.

Marka la dhameeyo ayaa waxa sahalanan Doonta Isku Socodka Dadka iyo Gaadidka Wadaaan isticmaala .