Warakii ugu dambeeyey Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye

37

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay edgmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid sida la sheegay markii Al-Shabaab ay weerareen saddex Barood Ciidamada dowladda ku leeyihiin, Buundada Weyn ee Afgooye wadada aada Magaalada Baydhabo, Koontoroolka Mukayga iyo Haanta dheer, waxaana halkaasi ka dhaca

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa Saddex jeer oo kala duwan ay dhaceen dagaalada, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda & Maamulka degmada Afgooye weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo todobaadkaan ay tahay markii labaad oo ay degmadaasi weeraraan Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan marka laga reebo Ciidamada dowladda oo wada dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee soo weeraray