Xog:Warar Hordhaca ah Magacaabista Wasiirada Cusub

25

Warar hordhaca ah magacaabista Wasiirada.

Waxaa goordhaw lagu wadaa in ay bilaabato munaasabad lagaga dhawaaqayo golaha wasiirada Cusub ee Xukuumada RW Rooble.

Qaar kamid ah wasiiradii hore ee Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa caawa la filayaa in ay dib u soo laabtaan sida wasiirada kala ah Jamaal Maxamed Xasan, Khadiijo Maxamed Diiriye, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Xasan Xuseen Xaaji, Xamza Saciid Xamza, Maryan Aweys Jaamac iyo wasiiro kale.

Sida xogta aan ku helnay waxaa isbadel lagu sameeyey wasaaradaha kala ah arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashandhiga, Haweenka, Cayaaraha, Warfaafinta, Dekedaha, Awqaaf iyo kuwa kale.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale ay dib u soo laaban doonan wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal kamid ah Xukuumadii hore.

Agaasimayaal ka tirsanaa Xukuumadii hore ay kalkan u dalacay wasiiro, waxaa haatan la sugayaa Ra’iisul-wasaare Rooble si xaflad ku dhawaaqista Golaha Wasiirada loo bilaabo.

La soco wixii ku soo kordha.