Wararkii u dambeeyey Ciidanka Kenya oo dad shacab ku duqeyay gobolka Gedo.

27



Wararka laga Helaayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa tilmaamaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay duqeymo ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Dhamase oo hoos-yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa madaafiic ku baabi’iyey Xoolo fara badan oo lahaayeen dad reer Miyi ah oo deganaa dhulka baadiyaha ah.

Dadka deegaanka ayaa barakac bilaabay, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi ay fulinayaan ciidamada Kenya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi.