Wararkii u dambeeyey dagaal ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

65

Ciidamada Xoogga iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay saakay dagaal culus uu ku dhexmaray Deegaanka Miirdugul  ee  koofurta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan weli la ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan  ciidamada xoogga.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee looga saarayo  deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Miirdugul ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee dagaalka dhexmaray.