Wararkii u dambeeyey duqeymo ka dhacay gobolka Gedo

28

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo maanta ciidamada Kenya ay ka filiyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo & Gabahaarey.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyey oo Mii ah ay ku sugnaayeen dad shacab ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhamaan ah dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Kenya ayaa tacadiyo xoogan ka geysanayey qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.