Wararkii u dambeeyey qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

19

Seddex qof ayaa ku dhimatay 7-kalana waa ay ku  dhaawacmeen, kadib markii qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Banaanka Maqayadda Blue Sky ee agagaarka taallada Xaawa Taako,waxaana dadka dhintay  ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan meydkiisa la aqoonsan, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

“Goobta sida aan indhaheyga ku soo arkay waxay aheyd banaanka maqaayadda oo dadku galabkii ku shaahaan, ujeedku wuxuu ahaa in dadkaa nasanaya lagu laayo” ayuu yiri ismaaciil.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaad si gar gaar caafimaad loogu fidiyo,waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ay ahayd maqaayad inta badan dadka ay isugu yimaadaan