Wararkii u dmabeeyey qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo

67

Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax khasaare geystay oo saaladda jimcaha kadib ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay uu marayey gudddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahir, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Waxaa sidoo kale dhintay ugu yaraan labo qof oo kale, iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa 10 kale oo u badan dad shacab ah.

Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe amnigeedu wuxuu ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada maamulkaasi.